Borama News Network

Guutada Al-Qassam oo ku dhawaaqday in ay Tel Aviv ku garaacday “gantaalka salvo”

Guutada Al-Qassam ee garabka militariga Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ay Tel Aviv ku garaacday “gantaalka salvo” iyaga oo ka jawaabaya “xasuuqa ka dhanka ah dadka rayidka ah,” waxaana seedhiga digniinta gantaalaha laga maqlay melo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Israa’iil.

Seedhigi digniinta ayaa laga dhawaajiyey guud ahaan Tel Aviv iyo ilaa 30 deegaan iyo magaalooyin, ka dib markii gantaalka salvo Marinka Qasa lagaga soo tuuray bartamaha Israa’iil, sida uu sheegay taliska jiidda hore ee ciidanka Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome uu ka hortagay gantaalada lagu garaacayo magaalada Tel Aviv, iyadoo xustay in gantaalada laga soo riday deegaano ku yaala koonfurta marinka Qasa, halkaasi oo ciidamada Israa’iil ay ka wadaan howlgalo militari.

Related posts

Sawirkii ugu aragtida iyo hadal heynta badnaa baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay iyo sida uu ku billowday

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Hiil Falastiin Ku Tilmaamtay Weeraradii Dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen Ee Marin Biyoodka Baabul Mandab

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Burkino Faso Oo Mamnuucday Idaacadaha BBC Iyo VOA Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff