Borama News Network

Shiinaha oo lagu tilmaamay inuu door ka qaadan karo xal u helidda dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Raysal wasaaraha Hungary, Victor Orban, ayaa sheegay in Shiinaha uu door muhiim ah ka ciyaarayo abuurista xal nabadeed ee dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Qoraal, lagu daabacay barta bulshada ee X (oo hore u ahayd Twitter) ayaa timid ka dib markii uu wadahadal kula yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, magaalada Beijing.

Mr Orban, oo booqashadiisa loogu yeero “socdaalka Nabadda ” ayaa ku sugan Shiinaha ka dib markii uu booqasho lama filaan ah ku tagay Ruushka iyo Ukraine toddobaadkii la soo dhaafay tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimada Midowga Yurub.

Wuxuu Jimcihii kula kulmay magaalada Moscow madaxweyne Vladimir Putin si uu ugala hadlo dagaalka Ukraine.

Related posts

Xiisad dagaal oo weli Dooloow ka taagan iyo Saraakiisha CXD oo soo bandhigay hub culus oo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Ayaa Ka Hadlay Xilka Loo Igmaday Iyo Qorshihiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Jubaland oo gacanta ku dhigay koox arday ka tahriibineysay deegaannada maamulkaas

Abdiaziz Bnnstaff