Alshabaab Oo Saaka Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bacaadwayne Ee Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn, sidaasina uu ku dhacay dagaalka.

Dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen ayaa dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta u sheegay inay maqlayeen, isla markaana mar qura lagu soo waaberiistay deegaanka uu ka socdo dagaal.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu warramay inuu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Bacaadweyn, uuna soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan la xaqiijin karinta inta uu la egyahay, maadaama aan aaga laga agdhawaan.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen inay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta Bacaadweyn, isla markaana gacanta ay ku dhigeen illaa 5 gaari oo nuuca dagaalka ah.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in hubka iyo gaadiidka ay la wareegeen ay kamid yihiin qoriga Soomaalida u taqaano Zuuga, laba gaari oo Tikniko oo dhashiike saaranyahay iyo gaari kale oo uu ku rakibanyahay qoriga B10-ka.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kooxo Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Suldaan Abshir Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuun Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Ciidamo Badan Ku Daabusay Waddooyinka Magaalooyinka Waaweyn Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More