Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Go’aankii Ay Somaliya Ku Soo Caydhisay Safiirkeeda

Dowladda Kenya ayaa si kooban waxaa ay uga hadashay Go’aankii xalay dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo,isla markaana ay ugu yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay inay Kenya ka xun tahay Go’aanka dowladda Soomaaliya, isagoo balan qaaday in labada dal ay si dublamaasiyadeed uga wada hadli doonaan arrintaas.
“Waxaan si rasmi ah uga jawaabi doonnaa wadiiqooyinka ku habboon dhowaan,” ayuu yiri Mr Kamau oo khadka taleefanka ka hadlayay Wargeysa Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo salka ku haaya Arrimo la xiriira kiiska Badda & doorasoyinkii ka dhacay Jubbaland, waxana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay joojiso jaadkii ka imaan jiray dalkaasi Kenya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Mudaharaad Balaadhan Oo Lagaga Soo Horjeedo Aflagaadad Madaxwaynaha Faransiisku Kula Kacay Nabi Maxamed Oo Borama Ka Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo $200 Milyan Oo Saanad Militari Ah Ugu Deeqaya Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Boosaaso Oo Maanta Laga Dhaqan Galiyay Qaadashada Lacagta Shilin Somaliga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More