Deg Deg: Itoobiya Oo Xidhiidhka U Jartay Dalka Koonfurta Sudan Iyo Warar Sheegay In Madaxii TPLF Uu Gaadhay Dalkaasi

Dowlada Itoobiya ayaa caydhisay safiirkii dowlada koonfurta suudaan u fadhiyay magaalada adis ababa sida ay xaqiiyeen diblomaasiyiinta koonfur sudaan oo la hadlay wargayska sudans post oo ka soo baxa dalkaasi 

sidoo kale dowlada itoobiya ayaa u yeedhatay safiirkeeda dalkaasi ee ku sugan magaalada juba Ee caasimada koonfurta suudaan Diblomaasiyiinta Ayaa Intaasi ku daray in ay itoobiya Gabi ahaanba xidhiidhka u jartay Dowlada koonfur Sudan

Warar ay sheegeen diblomaasiyiinta koonfurta sudaan ayaa sheegay in sobobta ay itoobiyo u eriday safiirka dalkaasi ay tahay in la ogaaday in hogaamiyihii TPLF uu ku sugan yahay Magaalada Juba ee caasimada dalka Koonfurta Sudan Iyada oo aan la Xaqiijin Sida Uu ku tegay halkaasi

Sidoo kale waxaa soo baxay warar sheegay in looga shikisanyahay in hogaamiyaha tigraygu tegay dalka jabuuti loona diray madaxwaynaha dalka itoobiya oo ku sugan isla dalkaasi jabuuti

Isha Warkan:- Sudans Post

 

 

 

Related posts

Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Khaatumo iyo isimada Beelaha Dhulbahante Oo Ka Hadlay Geerida Prof Cali Khaliif

Mustafehaji

Qaybo Ka Mid Dhismayaasha Gubanaya Oo La Bakhtiiyay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dabka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More