Kenya:- Ninkii Loo Heystay Weerarkii Jaamacadda Garissa Oo Xabsi Isku Dhex Dilay

Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga.

Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha jaamacadda ku toogtay ciidamada ammaanka, balse Rashid Charles Mberesero, iyo labo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan tihiin kooxda al-Shabab.

Mberesero ayaa lagu xukumay xabsi daa`in.

Wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard ayaa shaaciyay in ninkani uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu-nafsiga ah.

Wargeyska kale ee The Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa isagana sheegay in Mberesero uu isku daldalay gudaha xabsiga isaga oo adeegsanaya bustihiisa.

Al-Shabab ayaa sheegta inay dagaal kula jiraan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda galeen Soomaaliya bishii October 2011, si ay meesha uga saaraan kooxda oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.
Saddexdii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ,iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayay.

Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ah, kaddib markii ay gudaha dhismaha u soo galeen.

Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof -oo intooda badan ahaa ardey .

Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay jaamacada islamarkaana ugu dambeyntii dilay raggii weerarka soo qaaday.

Ardeyda ayaa u diyaar garoobayay Salaadda Subax markii ay toogashada bilaabanaysay 5-tii aroornimo xilliga Kenya.

Raggii hubaysnaa ayaa markii hore waxay toogteen laba nin oo ilaalinayay jaamacadda ka hor inta aysan u gudbin gudaha.

Waxa ay kaddib u sii gudbeen xafiisyada maamulka, fasallada jaamacadda iyo qolalka la seexdo .

Xilligii uu weerarka dhacayay waxaa waxaa jaamacadda ku sugnaa 900 oo arday ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiye Ciro Oo Abaal Marino Kala Duwan Bixiyay Iyo Cida Uu Siiyay Abaalmarinadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Waraysi Dhamaystiran : Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya Iyo Su’aalo Adag Oo La Waydiiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Imaaraadka Carabta Oo Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Ugu Yeedhay Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More