Borama News Network

Madaxweynaha Ukraine oo NATO ka codsaday in laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka ah Ruushka

Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo Khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Isbahaysiga NATO ayaa ka dalbaday in la garab istaago Dowladdiisa oo wajahaysa dagaal adag oo uga imaanaya Dhinaca Ruushka.

Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in intii awooddooda ah ay iska difaaceen isla markaana qalbiga ku adkeysteen in aanay marnaba muujin liitnaan iyo in ay is dhiibi karaan taasi oo keentay in dagaalka heerkaan soo gaaro.

Zelenskyy ayaa intaas ku daray indhaha laga daawanayo inta badan Dalalka Caalamka ‘Duullaanka Gardarrada ah’ ee Ruushka ku qaaday Dalkiisa inkasta oo uu xusay in aanay meesha laga saari Karin Dalalka kooban ee garab istaagga u muujiyay.

Madaxda Maraykanka ayuu ka codsaday in kaalmada Dalkiisa la siinayo in aanay lagu xirin Natiijada ama qabsoomidda Doorashada Dalkaas balse loo baahan yahay in Washington ay gacmaha markale u furto sida uu yiri.

Ukraine waxaa dagaal adag kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Ruushka inkasta oo ay jiraan Dalal ay hormuud u yihiin Maraykanka & Ingiriiska oo garab taagan Kyiv in ay is difaaco haddana Xukuumadda Zelenskyy waxa ay weli tabaysaa waxyaabaha ay u baahan tahay.

Related posts

Inaaderkay Xassan Gaafaadhi Waxaan Ku Idhi Xaragada Imaatinka Boqor Buurmadaw Qaata Ama Xanuunkeeda. Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Magaalada Muqdisho Oo Si Wayn Loogu Diyaargaloobayo Maalmaha Xuriyada Ee 26ka June Iyo Kawda Luuliyo

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Waxay Ilaawi La’adahay Jabkii Ka Soo Gaadhay Goojacade” Madaxwayne Deni

Abdiaziz Bnnstaff