Borama News Network

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland oo howlgallo ka wada Jubada hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubaland ay halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta maamulka Jubaland, ayaa lagu sheegay in deegaanada Harboole iyo Weelmaro oo u dhow degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada hoose, ay ka socdaan howgallo lagu wajahayo Shabaab loogana saarayo deegaannadaas sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Warka ayaa intaa ku daraya in qorshuhu yahay in toddobaadkaan ay ciidamadu qabsadaan deeegaannada Xagar iyo Jamaame.

Saraakiisha hoggaamineysa howgallada ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in u jeedka howlgallada saaka uu yahay in ay gacanta ku dhigaan deegaanno muhiim ah oo hadda Al-Shabaab gacanta ugu jira.

Related posts

“Cidna Sharciga kama Sareyso ee Xildhibaanka Waa in si degdeg ah loo soo daayo” Xildhibaano Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Cabdi Xaashi “Badda Soomaaliya Ma Ahan Neef Uu Qof Suuqa Geysanayo”

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal Dhawaan Ka Soo Yeedhay Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff