Jadwalkii Lagu Heshiiyay Ee Bilaabashada Doorashada Aqalka Sare Oo Fashilmay

Maanta ayaa lagu waday in dowlad goboleedyada dalka ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya sida ku cad jadwalkii doorashada dadbadan ee ay wada gaareen maamulada iyo dowladda dhexe.

Waxaa guud ahaan fashilmay qorshihii loogu tala galay in maanta ay dalka uga bilaabato doorashada Aqalka Sare oo xildhibanada maamulada ay doortaan Senatorkii ugu horeeyay ee baarlamaanka labaad.

Doorashada Aqalka Sare waxaa loo qorsheeyay Kowda ilaa 10-ka bishaan, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan saan doorasho, maadaama maamulada qaarkood aysan soo magacaabin guddiyadii doorashada halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland wali lagama haayo xubnihii qaban lahaa doorashada ee heer maamul, waxaana muuqata in wali ay taagan yihiin ismaandhaafka doorashada iyo in uu meesha ka baxo jadwalkii lagu heshiiyay.

 

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Oo Sheegay In Deni Xaruntii Baarlamaanka Ka Dhigay Bakhaar

Bnnstaff Bnnstaff

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Wiil Somali Ah Oo Ay Dileen Booliska Maraykanku Oo Ka Dhacay Minneapolis

Bnnstaff Bnnstaff

Dawladda Kuwait Oo Kala Dirtay Golaha Baarlamaanka Ee Dalkaas Iyo Sababta Keentay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More