Borama News Network

Xaalad kacsan oo ka taagan qaybo ka mid ah dalka Niger iyo maxaabiis ka baxsaday xabsi ay ku xirnaayeen

Mas’uuliyiinta dalka Niger ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay gobolka Tillaberi oo ah mid ay ka jirto xaalad kacsanaan ah kadib markii maxaabiis dhowr ah ay ka baxsadeen xabsi ay ku xirnaayeen dad badan oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Dhacdadan ayaa Khamiistii ka dhacday xabsiga Koutoukale oo ku yaal meel 50 kilomitir waqooyi galbeed ka xigta caasimadda Niamey, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Labo isku day oo kale oo lagu doonayay in xabsi looga baxsado 2016 iyo 2019 ayaa waxaa fashiliyay saraakiisha ammaanka.

Ciidamada qalabka sida ee dalka Niger ayaa waxaa ka awood batay weerarada kooxaha jihaad-doonka ah ee galbeedka si ay u difaacaan maamulkii militariga ee xukunka kula wareegay afgambi sanadkii hore.

Related posts

Shirkadda Konami oo Xulalka la dooran karo kusoo dartay Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Nuucyada Kala Duwan Ee Hubka

Abdiaziz Bnnstaff

Urarada Siyaasada Somaliland Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeeshay Kulanka Ay La Qaadaan Doonaan Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff