Borama News Network

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sheegay hadal ka yaabiyay dad badan

Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa ka yaabiyay dad badan oo reer Nigeria ah ka dib markii uu sheegay in uusan guri ku lahayn meel ka baxsan dalkiisa.

Mr Dangote ayaa sheegay in uu labo guri ku lahaa – magaaladii uu ku dhashay ee Kano, iyo Lagos – uuna ku noolaa guri kiro ah mar kasta oo uu booqdo caasimadda Abuja.

Hadaladiisa ayaa ka yaabiyay dad badan oo ku nool waddan ay dadka taajiriinta ah ku sifoobeen qaab nololeedka raaxada. Maalqabeen badan oo reer Nigeria ah ayaa guryo ku leh London, Dubai iyo Atlanta.

Waxa uu bishii Janaayo majaladda Forbes ku dartay ninka ugu taajirsan Afrika sannadkii 13-aad oo xiriir ah inkastoo uu dalkiisa ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale.

Hantidiisa ayaa kor u kacday $400m sanadkii hore, taasoo dhan wadar ahaan $13.sida ay majalada Forbes sheegtay.

Related posts

Cuba oo diiday war Mareykanka uu ka soo saaray dhaqaatiir lagu la’yahay Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

11 Gobol oo kamid ah Dalka Hindiya oo maanta ka dhacaysa Doorashada wajiga 3aad

Dawladda Turkiga Oo diyaarisay Maraakiibta Dagaalka Oo Loo Soo Dirayo Xeebaha Soomaaliya,

Abdiaziz Bnnstaff