Qaramada Midoobay Iyo Dowlada Itoobiya Oo Heshiis Kala Sexeexday Iyo Nuuca Heshiiskaasi

Qaramada Midoobey iyo Itoobiya ayaa gaaray heshiis ku saabsan in la furo marinada gargaarka si loogu gurmado shacabka ku nool gobolka uu dagaalka ka socda ee Tigray, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qarmada Midoobey.

Afahahyeenka UNSaviano Abreu ayaa sheegay in gelinka dambe ee Arbacada ay bilaabayaan howl lagu soo qiimeynayo xaaladda si gargaar loo gaarsiiyo shacabka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaana lagu soo warramayaa in cuntada iyo dawooyinka ay gabaabsi yihiin gobolkan ay ku nool yihiin malaayiin qof.

Boqolaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaallada u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa TPLF.

Dowladda waxay dhawaan shaacisay in ciidamadeeda ay la wareegeen caasimadda Mekelle.

Balse TPLF waxay sheegeen in weli ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Toogasho Ay Dad Badani Ku Dhinteen Oo Ka Dhacday Dalka Maraykanka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Toogashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tegay Dalka Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Kuuriyada Woqooyi Ugu Baaqay Wada Hadal Ay Yeeshaan Labada Dhinac

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More