Borama News Network

Xuutiyiinta Yeman Oo Duqayko Culus Ka Fuliyay Caasimada Yuhuuda Ee Tel Aviv

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn culus lagu beegsaday Magaalada Tel Aviv kaddib markii diyaaradaha nooca duulliye la’aanta ah ee Drones-ka loo yaqaan ay ku weerareen Kooxaha Xuutiyiinta Yemen.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Israaiil ayaa qiray in duqayntaas ay u gudubtay Gudaha Magaalada Tel Aviv balse waxa uu hadal daciif ah ku dhahay “Waxaa mashquul badan lagu sameeyay Wiishashka digniinta bixiya kaddib diyaaradaha ayaa gudbay”.

Israaiil ayaa ka gaabsatay in ay faah-faahin ka bixiso khasaaraha dhimashada & dhaawaca inkasta oo Warbaahinta qaar ay soo warisay in ugu yaraan 3 ruux ay dhinteen halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan waxaana kordhi kara waxyeellada ka dhalatay weerarkaas.

War kasoo baxay Kooxda Xuutiga ah ee Fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Yemen ayaa lagu sheegay in diyaaradahaas ay gaareen goobtii Bartilmaameedka u ahaa kuna naafeeyeen ciidanka Israaiil ee halkaas joogay.

Xuutiyiinta ayaa ku goodiyay in ay sii wadayaan weerarrada ka dhanka ah Yuhuudda ilaa inta ay ku howlan yihiin dhibaateynta Dadka Shacabka ah ee Falastiin oo garab buuxa u yihiin maadaama Dalalkii la rabay in ay gaashaan u noqdaan intooda badan Maraykanka u caga-jugleeyay.

Related posts

Lacagihii Laga Xayiray Dalka Ruushka Oo La Siinayo Dalka Dagaalku Kala Dhexeeyo Ee Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Awdal Iyo Kulmiye Way Is Barteen Madaxwayne Daahir Rayaalena” Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Si Adag Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Noloshooda Ku Danbeyn Kartaa Dadka Tahriibka Ku Gala Dalka Mareykanka?

Abdiaziz Bnnstaff