Ururka Taliban Oo Heshiis Cusub La Gashay Dowlada Afghanistan Iyo Nuuca Heshiiskaasi

Wafuudda dhinacyada isku haya Afghanistan ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay ku heshiiyeen hannaanka wada-hadallooda nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraday ee dalkaas ka socda.

Dowladda Mareykanka oo garwadeen ka ah geeddi socdka nabadeed ee Afghanistan ayaa soo dhoweysay heshiiska kaas oo horumar ballaaran u ah wadaxaajoodyada nabadeed ee u dhexeeya kooxda Taliban iyo wakiillo ka socda dowladda Afghanistan
Howlsha ayaa waxaa ku jira in la dhameystiray faahfaahinta hor dhaca ah ee wadahalka, waxii hadda ka dambeeyana loo gudbayo in laga wadahadlo ajandaha ay labada dhinac isla meel dhigeen sida lagu sheegay war qoraal ah oo sida wajadir ah usoo saareen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Taliban iyo dowladda Afghnasitan dadaalkooda iyo ka go’naanshahooda inay helaan wax guud oo ay ku midoobaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dugsiyo Ku Yaalla Maraykanka Oo Dacwad Ku Soo Oogay Shirkadaha Iska Leh Baraha Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Mucaaradka Ahi Ha Ka Fiirsadaan Hadalada Ay Sheegayaan” Wasiir Ku Xigeenka Cadalada Oo Si Adag Ula Hadlay Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Jubbaland Oo Taageeray Go’aankii Lagu Eryay Francisco Madeira

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More