Garsoore ka tirsanayd Maxkamadda Sare ee Maraykanka, Ruth Bader Ginsburg, oo ahayd qof ku suntanayd u doodidda xuquuqda haweenka ayaa u dhimatay cudurka kansarka iyada oo 87 jir ah, sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay Maxkamadda.
Ginsburg waxay Jimcihii u geeriyootay cudurka kansarka iyadoo jiifta gurigeeda oo ku yaal Washington DC, oo ay hareera fadhiyaan ehelkeedu, ayaa warbixinta lagu yidhi.
Horaantii sannadkan ayaa Ginsburg sheegtay in laga daweynayey cudurka kansarka oo ku soo noqday.
Waxay ahayd haweenay codkar ah oo u ololaysa xuquuqda haweenka oo ay ku hiran jireen dadka Maraykanka ee qaba aragtida Liberal-ka.
Ginsburg waxay sidoo kale ahayd garsooraha ugu da’ada weyn garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo haweeneydii labaad ee taariikhda Maraykanka garoore ka noqota Maxkamaddaas, waxaanay ka shaqaynaysay muddo 27 sannadood ah.
“Dalkeenna waxa ka baxay garsoore maqaam taariikhi ah lahaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamadda Sare John Roberts oo warbixin soo saaray Jimcihi. ” Hadii aanu nahay Maxkamadda Sare waxa aanu weynay qof aanu u hanweynayn oo jaal ahayn. Maanta waanu murugaysannahay laakiin waxaan kalsooni ku qabnaa in jiilalka mustaqbalku ay Ruth Bader Ginsburg u xusi doonaan sidaan u naqaanayn oo ah qof aan daalin oo ku miigan caddaaladda” ayuu yidhi.
Maadaama ay ka mid ahayd afar garsoore oo keliya oo aaminsanaa aragtida Liberal-ka, ayaa aad isha loogu duruufaheeda caafimaad. Geerida Ginsburg na waxay kor u qaaday suurto galnimada ah in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuurigu isku dayo inuu kordhiyo aqlabiyadda kooban ee garsooreyaasha muxaafadka ahi ku leeyihiin Maxkamadda, xataa inta aan la gaadhin doorashada bisha Noofember.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com