Borama News Network

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab saaka weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaarahaan deegaan lagu magacaabo Harboole oo u dhow degmada Afmadow.

Warbaahinta afka dowladda Soomaaliya ku hadasha ayaa sheegtay in Al-Shabaab lagu jabiyay weerar ay soo qaadeen isla markaana khasaare la gaarsiiyay.

Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa iyaguna baahiyay in Shabaab ay ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland ay kala wareegeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose oo ay ka mid yihiin deegaannada Harboole iyo Buulo Xaaji.

Marka laga yimaado sheegashooyinka labada dhinac ma jirto ilaa iyo hadda cid si madax bannaan u xaqiijinaysa sida wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay .

Related posts

Kenya Oo Madaxwayne Ku Xigeen Cusub Loo Magacaabay Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore

Abdiaziz Bnnstaff

Dalkan Maanta Ugu Dambaysay Dimuqradiyad Dambe Nimankii Shalay Lahaa… Cabdilaahi Darawal

Abdiaziz Bnnstaff

Duulimaadyadii Diyaaradaha Ee Rayidka Ah Ee Dalalka Ruushka Iyo Maraykanka Oo Dib Loo Soo Celinayo

Abdiaziz Bnnstaff