Diyaarad Ku Soo Dhacday Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa ku dhacday Diyaarad nuuca Xamuulka ah oo nuuceedu yahay 5Y-MHT, waxaana ay dooneysay in ay caga dhigato Garoonka sida ay Xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Waxaa gurmad degdeg ah siiyay howlwadeenada, si aysan u sababin khasaare kale sida dab ka kaco, maadaama qaybta hore diyaaradda ay ku dhufsatay Darbiga Garoonka Aadan Cadde oo ay suuragal tahay in uu dab ka kaco, khasaaruhuna intaas uu kasii bato.

Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dhex arki karaa dhaawac gaaray diyaaradda, waxaana jabay qaybta hore, kadib markii ay ku dhufsatay diyaaradda gidaarka (Xeen-daabka) Wareegga Garoonka.

Waxaa laga soo saaray Duulliyaha iyo caawiyihiisa , waxaana u suuragashay in laga soo saaro albaabka qaybta dadka ay ka raacaan diyaaraddaan.

Nooca Diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa qaada dad kooban iyo Xamuul aan tankiisu badneen, wararka qaar ayaa sheegaya in ay u adeegeysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay agab u qaadeysay.

Sababta shilka ayaa loo badinayaa cilad dhanka Diyaaradda ah, balse waxaa goobta tagay guddi ka socda maamulka Garoonka Aadan Cadde si ay u qiimeeyaan waxyeelada gaartay una ogaadaan ciladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiye Ciro Oo Gormeer Ku Tegay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Ceerigaabo

Bnnstaff Bnnstaff

“Boqor Buurmadaw Haduu Tago Somaliya Maahee Hadu Tago South Africa Waa Boqor Kayagii” Abwaan Cismaan kujare

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Oo Dhagax Dhigtay Waddada Isku Xidhi Doonta Oodweyne-Burco Iyo Khudbado Laga Jeediyay Munaasibada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More