Borama News Network

Madaxii Hey’adda Ilaalada Qarsoon ee Mareykanka oo is-casilay

Kimberly Cheatle, oo aheyd madaxa Hey’adda Ciidanka Ilaalada Qarsoonka ee Mareykanka ee loo yaqaanno Secret Service, ayaa Talaadadi shalay iska casishay xilka, kaddib marki si aada ah loogu cannaantay hey’addeeda, dayacaaddii dhanka amniga ee keentay iskudaygi dil ee uu ka badbaaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump dhawaan.

Hey’adda Ilaalada Qarsoon, waxay mas’uul tahay ammaanka madaxweynaha Mareykanka ee xilligaan iyo madaxweynayaashi hore ee Mareykanka inta hadda nool.

Hadda waxay hey’addani wajahaysaa cambaareyn siyaasadeed oo uga imaneysa dhinac walba, kaddib marki uu nin hubeysani uu galaangal u helay inuu saqafka sare guri kasoo toogto Donald Trump, xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada Butled ee gobolka Pennsylvania 13-kii bishaan July.

Madaxweynaha Mareykanka Jose Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in baaritaanka iskudaygi dil ee uu ka badbaaday Donald Trump loo xil saaray guddi madax bannaan.

Agaasime ku xigeenka Waaxda Ciidanka Ilaalada Gaarka ah Ronald Rowe, oo muddo 24-sano ah ka tirsanaa hey’addaan ayaa si ku meel gaar ah u sii heyn doona xilka agaasimaha, sida uu sheegay, Xoghayaha Arrimaha Amniga Gudaha Mareykanka Alejandro Mayorkas.

Kimberly Cheatle ayaa loo magacaabay xilka ay shalay iska casishay sannadki 2022-ki. Isniintii ay golaha Senetka ka hor qiratay in ay iyada qaadeyso masuuliyadda daldaloolihi amni ee ka dhashay isku-daygi dil ee lalal beegsaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Fashilkaasi amni ee ku yimid hey’addaan ayaa noqday kii ugu xumaa, tan iyo sannadki 1981-ki, markaas oo uu qof hubeysani ku toogtay magaaladan Washington D.C, madaxweynihi hore ee Mareykanka Ronald Reagan. Weerarkaas oo uu ka badbaaday balse uu kasoo gaaray dhaawac.

Related posts

Maxay tahay fariinta Qarsoon ee Maraykanku u diray Iran ka dib weerarkii saldhigyada Xuutiyiinta?

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii Cid Wax Laga Qabanayo Cidii Qaranka Jabisay Ayaa Wax Laga Qaban Lahaa” Xildhibaanada Reer Awdal

Abdiaziz Bnnstaff

Qiimaha Maciishada Ee Suuqyada Magaalada Muqdisho Oo Waajahaya Sicir Bararkii Ugu Xoogana Iyo Bulshadii Danyarta Ahayd Oo Walaacsan

Abdiaziz Bnnstaff