Qaaramada Midoobay Oo Sheegtay In La Daahiyay Gargaarkii Itoobiya Xilli Dagaalkii Tigray Uu Weli Soconayo

Dagaalka ka soconayaa qeyba badan oo ka mid ah gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya ayaa waxa uu carqaladaynayaa dedaallada gargaarka halkaas lagu gaarsiinayo, Qaramada Midoobay ayaa sidaas sheegtay.

Malaayiin qof ayaa sheegay inay haysato gabaabsi dhinaca cunnada ah iyo dawooyinka.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa AFP u sheegay in illaa maalintii Jimcaha aanay helin meel ay maraan, walow la gaaray heshiis ogolaanaya “inaan la hor istaagin” gargaarka bini’aadamnimo ee la gaynayo deegaannada ay dowladdu maamusho.

Milateriga ayaa bilowgii todobaadkii hore galay caasimadda gobolka Tigray Mekelle, waxaana ay sheegeen in dagaalka mudada bisha ah ciidammada dowladda kala dhaxeeyay kooxda TPLF la soo gabagabeeyay.

Boqollaal qof ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay dagaalka lagula jiro xisbiga TPLF. Halka kumannaan qof ay barakaceen, iyadoo mowjad qaxooti ah oo ka cararay halkaas ay galeen waddanka Suudaan.

BBC-da ayaa waxaa Khamiistii u suuragashay inay la hadasho dad ku sugan magaalada Mekelle kuwaas oo sheegay “in dagaalku uu weli ka soconayo goobo ka ag dhaw magaalada”. TPLF-na waxa ay sheegaysaa weli in dagaalku uu socdo.

Wasiirka Itoobiya u qaabilsan dimuqraadiyadaynta, Zadig Abraha, ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray oo waxa uu sheegay in “dagaal uusan jirin”.

Getachew Reda, oo xubin ka ah Golaha Fulinta ee TPLF, ayaa BBCda u sheegay in xaaladda magaalada Mekelle ay “aad u kacsan tahay”.

“Dadku jacaylba uma hayaan ciidammada xoogga ku soo galay,” ayuu yiri.
Ciidammada TPLF ayaa waxa ay isaga baxeen magaalada Mekelle si magaalada ay uga dhowraan duqeyn xooggan oo ay u gaystaan ciidammda weerrarka ahaa, ayuu yiri, hasayeeshee dagaalku waxa uu ka soconayaa daafaha magaalada.

“Ciidammadaydu waxa ay u dagaalamayaan inay helaan xuquuqda dadkayaga ay u leeyihiin inay helaan xuquuqdooda inay ismaamulaan. Waxa ay ku dagaalamayaan geesinimo iyo go’aan adayg mana ay jirto sabab ay isu dhiibaan,” ayuu u sheegay barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa uu sheegay in TPLF ay diyaar u tahay in la wadahadlo.

“Iyadoo aynaan aqbali doonin wax handaad ah, ayaa haddana waxaan u baahannahay nabad,” ayuu yiri.

‘Gargaar ma jiri doono ilaa usbuuca dambe’
Saviano Abreu oo ah afhayeen u hadlay xafiiska bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: “Waxaanu haynaa warar sheegaya in wali qeybo badan oo ka tirsan gobolkaasi Tigreeda uu ka socdo dagaal. Arrintaasi waa mid walaaceeda leh, waana xaalad aad noogu adag.”

Arbacadii dhaweyd ayaa Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay heshiis la gashay dowladda Itoobiya, kaa oo looga gol-lahaa in gargaar lagu gaarsiiyo deegaannada gobolka Tigreeda ee ay dowladda maamusho.

Balse saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa wakaaladda wararka ee AFP waxay u sheegeen in ilaa usbuuca dambe aan la fileyn in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo deegaannadaasi Tigreeda.
Dadka tabaaleysan ee u baahan gargaarka bani’aadannimo waxaa ka mid ah qiyaastii 96,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka soo cararay dalka deriska ah ee Eritrea, kuwaasi oo in muddo ah ku noolaa xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigreeda.

Xeryahaasi ayaa la rumeysan yahay in cunnada ay gaababsi ka sii noqoneyso. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in halkaasi ay ka dhacayaan weerarro iyo afduub.

Ann Encontre oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay in ay isku dayayaan in si deg deg ay dadkaasi cunno, dawo iyo agab kale ugu helaan dadkaasi qaxootiga ahi.

“Waxaan maqalnay in dad qaxooti ah ay dhinteen, qaarkoodna lagu khasbayo in ay ciidamada ka mid noqdaan. Waxaan sidoo kale maqalnay in dad halkaasi laga qafaalanayo,” ayay tiri mar ay la ahdashay wakaaladda wararka ee AFP.

Isgaarsiinta oo go’nayd tan iyo billowgii colaadda ayaa adkeysay in la xaqiijiyo wararkaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalo Ku Taala Dalka Ukraine Oo Iska Caabisay Duulaanka Ciidamada Ruushka

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Camuud Foundation Oo Deeq Raashina U Qaybisay 500 Oo Qoys Oo Ku Nool Buuhoodle Iyo Guumays

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Shirka Guud Ee Qaramada Midoobay Kaga Dhawaaqay Kaalmo Dhinaca Cuntada Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More