Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Iyo Banaanbaxyadii Magaalada Baladwayne

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo la doonayo in wax looga qabto Rabshadaha iyo khilaafka Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Magaalada ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax.

Wasiirka oo shalay gaaray Baladweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay Qaybaha kala duwan e bulshada reer Hiiraan, waxaana inta badan kulamadas lagu lafa guray arrimaha ka taagan Gobolka
Shirjaraa’id oo uu qabtay Wasiiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Odayaasha uu la kulmay, waxaana uu sheegay in ay isla meel dhigeen Qodobbo dhowr ah oo quseeya xaaladda Gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Mukhtaar Xuseen Afrax in ay u dhiman yihiin kulamo waaweyn oo uu la qaadan doono Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Jabhadda hubeysan ee General Xuud iyo Ciidanka Dowladda, waxaana xigay bannaan bax ballaran oo ay dhigeen bulshada reer Baladweyne oo ay kaga soo horjeedaan Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Maanta la filayo in uu ka Furmo Magaaladda Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaankii Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Ka Codeeyay Garabkii Kulmiye Oo Warbaahinta La Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay Xilliga Soomaaliya Laga Dhaafi Doono Canshuurta Waxyaabaha Ay U Iibgeyso Dalalka Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More