Borama News Network

Ciidanka Ruushka Oo Madaafiic Ku Garaacay Caasimada Dalka Ukriane Kharkiv

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in weeraro is xig-xigay oo ay ciidamada Ruushka ku bartilmaameedsadeen magaalada Kharkiv ee waqooyibari ee Ukraine, lagu dilay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen lix kale.

Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah duqeymaha cirka la eeganayeen ciidamada Ruushka, tan iyo marki uu billowday dagaalka uu madaxweyne Putin ku qaadday Ukraine, bishii Febrayao ee sannadki 2022-ki.

Booliska ayaa sheegay, in duqeynti Arbacadi lagu beegsaday degmada Lozova ee koofurta Kharkiv, lagu dilay saddex qof, iyadoo ay wali socdaan howlaha gurmadka ah.

Waxaa sidoo kale weerarkaas uu burburiyay dhisme ay ku shaqeyso hey’ad NGO ah oo laga leeyahay dalka Switzerland, inkasta oo ay saraakiishu sheegeen in aysan cidna wax ku noqon.

Duqa magaalada Kharkiv ayaa sheegay in sidoo kale ay dhaceen ilaa shan duqeyn oo cirka ah oo ay ciidamada Ruushka xalay ku garaaceen qeybo ka mid ah Kharkiv iyo deegaannada ku hareereysan.

Related posts

Waxaa Noo Sharaf Ah In Xildhibaan Maxamed Abiib Taageero Badan Kasbaday” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Imaaraadka Carabta Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Saraakiisha Ciidan Ay Kaga Dhinteen Ee Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii adigu aad dadkaagii ka hadhay anigu dadkaygii ayaan la joogaa,sharci darana ina Abiib lagu qaadi mayo”Gudoomiye Cali Xaamud Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff