Borama News Network

Madaxwayne Axmed Madoobe oo Afmadow u tagay Dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose halkaas oo durba uu ka billaabay kulamo lagu dardargelinayo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’.

Axmed Madoobe oo xiran Tuutaha Ciidanka ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada ammaanka hoggaaminayo & xubno laga soo dhex xulay qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu dhammaantood kala hadlay xoojinta amniga.
Madoobe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee heer Federaal & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo iskaashanaya in ay Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland ka wadaan howlgallo xooggan.

Guullo muhiim ah ayuu shaaciyay in ay wadajir u gaareen Ciidankaan ka kooban labada Heer ee waa Federaalka iyo Dowlad-Goboleedkaas loona baahan yahay in lasii xoojiyo si looga mira-dhaliyo himilooyinka muuqda sida uu hadalka u dhigay.

Gobolka Jubada Hoose waxaa ka socda howlgallo Xooggan oo ay iska kaashanayaan Ciidanka gaarka u tababaran ee Kumaandooska DANAB & Kuwa Daraawiishta ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland horay loogu tababaray.

Related posts

Hargeysa Cidii Marti Ku Ayaa Dhaafaysa”’ Buurta Sheekhna Anaa fadhiya Cidna Xagaa ii Dhaafi Mayso” Gudoomiye Rooda

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Shaacisay In Ay Joojinaysa Soo Dhoofsashada Baabuurta Shidaalka Ku Shaqeeya

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumadda Netanyahu oo Ciidanka Israaiil ku qasbaysa dib ugu laabashada goobaha ay isaga-baxeen

Abdiaziz Bnnstaff