Borama News Network

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo Baadhaysa Takhasusaadka Dhakhaatiir Ajaanib Ah

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Bulaale ayaa sheegay in la xiray Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib oo ku shaqeysanayay Xirfado been abuur ah.

Baaris ay ku sameysay Hay’ad gaar ah oo Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada u qaabilsan dabagalka Goobaha Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Adeegyada ay bixiyaan ayaa suuragelisay in lasoo qabto Dadkaan sida uu hadalka u dhigay Bulaale.

Dowladda ayuu sheegay in ay gacanta ku heyso kiisas kala duwan oo la xiriira Dad sheegtay in ay yihiin dhaqaatiir balse aanay lahayn aqoon ku filan ama heysan Shahaado muujineysa xirfadda ay sheeganayaan.

“Dad badan oo Soomaali & Ajaanib isugu jirta oo Dalka ka shaqeynayay iyaga oo aanay xirfaddooda dhammeystirneen ayaa soo baxay oo qaarkood hadda baaris lagu wado, waxaa nasoo gaartay oo hadda kiiskiisu socdaa qof Ajnabi ah oo Afrikaan ah oo Dalka joogay oo sameeyay qaladaad oo la hubinayo meesha uu wax kusoo bartay” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS Maxamed Xasan Bulaale.

Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo kordhayay Goobaha Caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay kana howlgalayaan Dhaqaatiir Ajaanib ah & kuwo Soomaali ah waxaana Dadka qaar Su’aalo iska weydiinayeen heerka Wasaaradda ku shaqada leh gaarsiisan yahay ka warqabka iyo hubinta adeegyada ay bixiyaan Goobahaas & Dhaqaatiirtaas.

Related posts

”Axmed karaash waxaan leeyahay Ceerigaabo maaha Goojacadde oo kale maaha ee bal qabso” Jaamac shabeel

Abdiaziz Bnnstaff

Waan Ka Xumahay In Habar Awal Midhiyaha Isku Weeraraan,Suldaan Xasana”Siyaasi Obsiiye Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Wax Cad Oo Xildhibaan Maxamed Abiib Loo Raacayaa Ma Jiro ” Xildhibaan Timajilic

Abdiaziz Bnnstaff