Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay barasaabka gobolka Georgia oo ah xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga inuu gacan ka siiyo sidii loo laali lahaa guushii doorashada Joe Biden uu ka soo hooyay gobolkaasi.
Trump oo qoraallo dhawr ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku boorriyay, Brian Kemp, inuu isugu yeero fadhi gaar ah oo ay yeeshaan golaha sharci-dejinta gobolkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa wali diidan in uu aqbalo in doorashada looga adkaaday, wuxuuna caddeyn la’aan ku andacoonayaa in guusha Biden ay ku timid khiyaano.
Waxa uu loollan dhanka sharciga ah geliyay guusha Biden, balse inta badan dacwadihii uu hor geeyay maxkamadaha ayuu ku guul-darreystay.
Gobolka Georgia ayaa ahaa gobol muhiim ah oo aad loogu loolamayay, waana markii ugu horreysay tan iyo 1992 oo musharrax ka tirsan Dimuquraadiga laga soo doorto gobolkaasi.
Gobolkan ayaa waxaa bisha Janaayo ka dhihi doonto doorasho ku celis ah oo lagu tartamayo aqalka sare. Haddii musharraxa xisbiga Dimuquraadiga uu ku guuleysto doorashadaasi, taa waxay ka dhigan tahay in xisbiga Jamhuurigu uu luminayo aqlabiyaddii uu ku lahaa aqalka sare.
Sida uu qoray wargeyska the Washington Post, madaxweyne Trump ayaa ka codsaday barasaabka gobolka Georgia uu dalbado in baaritaan iyo dib u eegis baaxad leh lagu sameeyo saxiixa kaararka codbixinta balse barasaabka ayaa arrintaasi ku gacan seyray maadaama uusan sharci ahaan awood u lahayn arrintaasi.
Dhanka kale, Trump oo ka qeyb galayay isu soo bax siyaasadeed oo uu ugu ololeynayo musharraxa xisbigiisa ku matali doono aqalka sare ayaa sheegay in isagu uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday.
Waxa uu sheegay in inkastoo doorashadaasi looga shubtay, haddana uu isaga ku guuleystay.
Balse sarkaal ka tirsan guddiga doorashooyinka oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa Trump ka codsaday in uu joojiyo doodda ah in doorashada looga shubtay, waayo buu yiri waxay arrintaasi keeneysaa khalalaase iyo rabshado.
Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada isagoo helay 306 cod oo ka mid ah codadka ergada doorashada halka Trump uu helay 232. Ergadaasi ayaa kulmi doonta 14-ka bishan Diseembar si rasmiyan oo shaaciyo cidda guuleysatay.
Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa hada aqlabiyad ku leh aqalka sare, waxaana haddii uu ku guuleysto doorashada wareegga labaad u fufudaan doonto in uu u babac dhigo maamulka Dimoqraadiga ee madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
Haseyeeshee, haddii Dimuqraadiyiintu ay ku guuleystaan labada kursi ee harsan, waxay heli doonaan kala bar aqlabiyadda aqalka sare, waxaana tiro hal dheeri ah u horseedaya madaxweyne ku xigeenka.
Dimuqraadiyiintu waxay horey u maamulayeen aqalka hoose – aqalka wakiilada
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com