Borama News Network

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Sheegay in Soomaaliya & Turkiga ay xoogga saarayaan 4 qodob oo muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Iskaashiga cusub ee dhinaca Amniga Badda ee dhexmaraya Xukuumadaha Ankara & Muqdisho uu yahay mid muhiim u ah nabadda Geeska Afrika.

Wasiir Jaamac ayaa intaas ku daray in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga uu cilaaqaad wanaagsan ka dhaxeeyay sanadihii lasoo dhaafay sidaas darteed iskaashiga cusub ee dhinaca Amniga Badda uu yahay howl kale oo muhiimad gaar ah u leh labada Dal.

Fursadaha Soomaaliya uga dhex muuqda arrintaan ayuu Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka ku sheegay in ay tahay inay aqoon dheeraad ah & fursado kala duwan helayaan Ciidanka Qaranka ee ilaalinaya Xeebaha Dalka.

“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Waxaa dhaqangalaya heshiiska dhexmaray Dowladaha Soomaaliya & Turkiga ee la xiriira Ilaalinta Biyaha Dalka kaddib markii Labada Baarlamaan ee Dalalkaan ay ansixiyeen heshiiskaas oo sii xoojinaya cilaaqaadka Muqdisho iyo Ankara.

Related posts

Burburka ka dhashay duqaymo cusub oo xalay uu Ruushku ku garaacay gobolada Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweynaha Xil ka xayuubin ha lagu sameeyo, waayo…” Qoraa Cali Qoriile.

Abdiaziz Bnnstaff

Wiilka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Hortay Maxkamad Ku Taala Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

Abdiaziz Bnnstaff