Borama News Network

Israa’iil oo weerartay fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday fariisimo ay Xisbullah ku leeyihiin dalka Lubnaan, kadib markii gantaal lagu weeraray dhulka buuraleyda ah ee Golan oo ay Israa’iil maamusho iyadoona halkaas ay ku dhinteen 12 qof oo isugu jiray caruur iyo dhalinyaro kubad ciyaaraysay.

Israa’iil ayaana Xisbullah ku eedaysay in ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah bulshooyinka Carabta ee dagan dhulka Israa’iil kuwaas oo loo yaqaan Druze waxa ayna daganyihiin magaalada Majdal Shams.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen todobo goobood oo fariisimo u ah Xisbullah inkasta oo aysan xaqiijin wax khasaare ah.

Xisbullah ayaa dhankooda beeniyay in ay weerar gantaal ah ku qaadeen dhulka buuraleyda ah ee Golan ee ay Israa’iil maamusho.

Weerarka gantaal ee lala beegsaday magaalada Majdal Shams ayaa noqonaya midkii ugu darnaa ee ka dhaca xadka waqooyiga Israa’iil tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar 2023.

Israa’iil ayaana shaacisay magacyada iyo da’da toban kamid ah dadka dhintay kuwaas oo u badnaa caruur, waxaa sidoo kale dadka dhintay kamid ah qof aan la ogeyn da’diisa.

Related posts

Mareykanka oo maraakiib iyo diyaarado dagaal oo xoojin ah u diray Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Hebel Ayuu Ahaa Reer Hebel Ayaa Loo Dilay Fidnadaas Ayaa La Fidinayaa” Senator Qorane

Abdiaziz Bnnstaff

Nasrallah: “Meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena

Abdiaziz Bnnstaff