Borama News Network

Maamulka SSC Khaatumo oo beeniyay in ay wada hadal kula jiraan Somaliland

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Tignoolajiydda Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay waraarka sheegaya in ay wada-hadal la furayaan maamulka Somaliland.

“Wax wada hadal ah kulamo jirno Somaliland,  haddana kuma talo jirno, Muuse Biixi (Madaxweynaha Somaliland) iyo Maxamed Kaahin (Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland), gooni u goosad ayaan u aqoonsanahay, maxaabiisna ma is dhaafsan karno” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Somaliland ayuu ku eedeyay in ay howlan yihiin dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku doonayaan in ay ku soo weeraraan deegaannada SSC Khaatumo.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa gacanta ku haya maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoosyimaada, waxaana kamid ah Askar iyo Saraakiil ciidan.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dalalka Africa Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxwaynaha La Doortay Ee Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Weeraradii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Magaalada Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Dalka Algeria Ayaa Dhimasho Ka Badbaadiyey Dad Soomaali Ah.

Abdiaziz Bnnstaff