Borama News Network

RaysaL Wasaare Xamsa Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Ku Wajahan Gobolka Jubada Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Deegaanka Buula Xaaji.

Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa gaaray Magaalada Kismaayo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan waxaana ay usii gudbayaan dhanka Buula Xaaji.

Mas’uuliyiin heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed isugu jirta ayaa lagu wadaa in ay qayb ka noqdaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre si ay ula kulmaan ciidamada iyo saraakiisha dagaalka la galay ‘AS’.

Ilo ku dhow Safarka Xamsa Cabdi Barre ayaa Mustaqbal u sheegay in Xukuumadda Federaalka ay dhiirragelinayo Ciidamada Federaalka ee DANAB & Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee sida wadajirka ah u howlgalaya.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa safarkii kan ka horreeyey uu ku tagay deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa uu ahaa Dabayaaqadkii Nofeembar sanadkii hore ee 2023.

Xiligaas waxa uu Gobolka Jubada Hoose u tagay u kuurgalidda xaaladaha Bani aadamnimo ee ka dhashay Daadadkii roobka xoogganaa ee Dalka ka da’ay waxaana la socday wufuud kale oo ka socday Hay’ado howshoodu tahay gargaarka bani aadamnimada.

Related posts

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya Uu Fursad u Noqon Karo ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff

“Dadkeena waxaynu Dulminay 34 Sanno,Somalia iyo Jabuutina way inoo heshiiyeen Xadkeeniina Burco Ayuu Marayaa” Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil oo dhulka la simay Masjidka Al-Faaruuq

Abdiaziz Bnnstaff