Borama News Network

Dibad-Baxayaal Careysan Oo u Daatay Saldhigyo Milatari Oo Israa’iil Leedahay

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo kaddib markii dibadbaxayaal ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog ay xoog ku galeen laba saldhig oo milatari.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu “si adag u cambaareynayo” rabshadaha. Dibad-baxayaasha ayaa ka careysnaa xariga loo geystay askar lagu eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen maxbuus Falastiini ah.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warameysa in maxbuuska Falastiiniga ah ay faraxumeeyeen ciidamada Israa’iil.

Israa’iil ayaa beenisay eedeymaha kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aadan in dagaalyahanada Xamaas ee gacanta u galay ciidamada Israa’iil ay la kulmaan tacadiyo loogu gaysto xabsiga.

Koox ka tirsan ciidamada kaydka Israa’iil ayaa lagu soo waramayaa in ay hubkooda dhiibeen kadib markii la xiray, waxaana ay diideen in ay sii wataan shaqadooda.

Related posts

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Murasshax Cabdiraxaan Ciro Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Cid aan Puntland aheyn oo buuraha caalmiska daacish kula dagaalamaya majiro”Madaxweyne Saciid Deni.

Abdiaziz Bnnstaff