Borama News Network

Taliye hoggaaminayay koox calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah oo dalka Mali lagu dilay

Taliye ka tirsanaa koox calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ayaa lagu dilay dalka Mali ka dib markii ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno falaago ah oo halkaa ku sugan.

Maamulka militariga ee dalkaan ku yaalla gobolka Galbeedka Afrika ayaa u gacan haatiyay kooxda caanka ah ee Wagner sanadkii 2021, iyaga oo taageero u raadinaya la dagaalanka kooxaha jihaad doonka ah iyo xoogaga gooni u goosadka.

Isniintii kooxda Ruushka oo hadda isu beddeshay koox magaceedu yahay Africa Corps – ayaa sheegtay inay ku biirtay millatariga Mali “dagaal “ba’nna ay la galeen fallaagada gooni-goosadka ah iyo dagaalyahannada jihaad doonka ah usbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, gooni u goosadka ayaa qaaday weerar culus, iyagoo dilay dad lagu qiyaasay 20 ilaa 50 calooshood u shaqeystayaal ah, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhow dhow dadka la socda xaaladda halkaa ka taagan.

Related posts

Madaxwayne Putin Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Masuul Yahay Geerida Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Xisbiyadu Aanu La Tartamayno Caayi Mayno Kulmiyena Waligiiba Wuu Guulaysan Jiray” Cabdicasiis Samaale

Abdiaziz Bnnstaff