Borama News Network

Wasiirkii Dagaalka Ee Israa’iil Benny Gantz Oo Xilikii iska casilay

Wasiirkii Gaashaandhigga Israel oo ka tirsanaa gGlaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada. Mr Gantz waxa uu damacsanaa in uu hadalkan jeediyo sabtida balse waxa uu dib ugu dhigay iyada oo la eegayey howlgalka soo furashada la haystayaasha Israa’iil.

Ka bixitaanka xisbigiisa ma dumin doono dowladda, laakiin waxay kordhin doontaa cadaadiska Mr Netanyahu ee dhaleeceynta kaga imaaneyso gudaha iyo dibadda.

Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

Related posts

WAR XASAASI AH: “Sacad Muuse Iyo Ciise Muusoow Dagaalka Garxajis Udiyaar Garooba..” Suldaan Sabayste

Abdiaziz Bnnstaff

“Lama Af-Duubi Karo Golaha” Xildhibaan Laabsaalax Oo Si Adag Uga Hadlay Dood Ka Dhex Aloosan Golaha Wakiilada Somaliland

”Heshiiska Ethopia iyo Somaliland Wuu hirgalayaa dhawaana ” Madaxweyne Muuse Biix

Abdiaziz Bnnstaff