Borama News Network

Dowlada Rwanda Oo Albaabada Iskugu Dhifatay 4000 Oo Kaniisadood Iyo Sababta Loo Xidhay Kaniisadahaasi

Dowladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday in ay xirtay in ka badan 4,000 oo kaniisadood kuwaas oo ku xad gudbay shuruucda caafimaadka dadka iyo badbaadada dalka.

Kaniisadahan, oo la xiray bishii hore, ayaa lagu helay in ay ku xad-gudbeen shuruucdii, oo ay ku jiraan rakibidda qalabka cod-bixinta.

Inta badan kaniisadaha la xiray ayaa ah kuwa ‘Kirishtanka, iyo goobo ay cibaado u asteeyeen oo ku teedsan jiinka webiga.

“Tallaabada noocaan oo kale ah looma qaadin si bulshada looga hor istaago inay soo gutaan cibaadadooda, balse waa in la sugo ammaanka iyo xasiloonida cibaadada,” maamulaha deegaanka Jean-Claude Musabimana ayaa u sheegay warbaahinta dowladda.

Qaar ka mid ah kaniisadaha xiran waa teendhooyin iyo goobo yaryar oo ay ka dhalan karaan caafimaad darro, taas oo khatar gelineysa jameecada, ayuu yiri maamulaha Jean-Claude.

Xiritaanka kaniisadaha ayaa yimid kadib markii 2018 la soo saaray sharci xadidaya sidoo kale ka warqabaya badqabka iyo tayo dhowrka xarumaha cibaadada kuwaas oo ay iyana saxiixeen.

Dhanka kale sharciga ayaa dhigaya in daaciyaasha kaniisadaha ay qaataan tababar diimeed kahor inta aysan masuul ka noqon goobaha cibaadada, ama aysan dhisin kaniisad.

Related posts

Xildhibaan Guruuje Oo Ka Jawaabay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay War Murtiyeed Ka Soo Baxay Dalalka G7 Iyo Waxa Uu Ka Saabsanaa Bayaankaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Jabuuti iyo Turkiga oo heshiis iskaashi kala saxiixday, xilli Soomaaliya iyo Turkiguna ay heshiis dhanka difaaca badda ah wada Gaareen

Abdiaziz Bnnstaff