Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Suuqyada Magaaladaas Maanta la geeyay Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa maamulka puntland.
Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababta loo geeyay Suuqyada Magaalada Boosaaso waxaa lagu sheegay socodsiinta ama qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, oo maalmihii u dambeeyay laga diidanaa Boosaaso.
Saraakiisha Ciidamada ayaa Ganacsatada iyo dadka kaleba ku amraya inay qaataan lacagta Shillinka Soomaaliga ah, isla markaana qofkii diida ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Dhawaan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari iyo degaannada kale ee Maamulkaas waxaa ka dhacayay bannaan-baxyo looga cabanayo sicir-bararka, islamarkaana looga soo horjeedo go’aankii madaxweyne Deni ku amray in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com