Borama News Network

Urur gobaleedka IGAD oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay Xeebta Liido

Urur goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xoghayaha fulinta Ururka IGAD Dr.Workneh Gebeyehu oo ka hadlay ayaa tacsi  u diray qoysaska dhibanayaasha, waxaana uu u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

 “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaan waxashnimada ah, weerarradu ma wiiqayaan go’aanka dawladda Soomaaliya, shacabkeeda adkaysiga leh ama gobolka guud ahaan. taa beddelkeeda, waxay xoojin doonnaa go’aankeenna wadajirka ah dib u dhiska Soomaaliya iyo ciribtirka aafooyinka argagixisada,” ayuu yiri H.E. Dr. Workneh IGAD.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan garab taaganahay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo dadaalkooda ku dayashada mudan ee dib u dhiska qarankooda oo ah iftiin rajo dhammaan kuwa wajahaya caqabadaha la midka ah ee adduunka oo dhan Wayo”

Related posts

Xarumaha NATO oo feejignaan la geliyay kaddib cabsi laga muujiyay Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Maanta Lagu Qaaday Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqday halkii lagu halaagay reer Thamuud

Abdiaziz Bnnstaff