Borama News Network

Mareykanka oo maraakiib iyo diyaarado dagaal oo xoojin ah u diray Bariga Dhexe

Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa ku wajahan Bariga Dhexe iyo deegaannada ku dhow-dhow si ay u xoojiyaan difaaca Mareykanka ee taageerda Israa’iil iyadoo labada dal ay isku dayayaan inay ka hortagaan weerar millatari oo suurtagal ah in uu ka yimaada Iran. Warbixin ay qortay VOA waxa inoo soo koobaya Ibraahim Xassan Daandurey.

 

Related posts

”Cabdiraxmaan Cabdishakuuraw Somaliland waxba kaama gelin ee kuwa aad ” Xildhibaan Guruuje Oo U Jawaabay Cabdiraxman Cabdishakuur

Abdiaziz Bnnstaff

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Kalluumeysato Iraaniyiin ah oo lagasii daayay xabsiyada Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff