Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo Daryeel Caafimaad oo Dibadda ah u qaadeysa Dadka Dhaawacyada darran soo gaaray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi gaar ah u xilsaartay qiimeynta dhaawacyada halista ah si bukaannada qaar ee u baahan Daryeelka Caafimaad ee Dibadda ah iyada oo arrintaan ay ka gacansiinayaan Dowladaha Saaxiibada la ah.

Xubnaha Guddigaan ayaa billaabay in ay tagaan Goobaha Caafimaadka ee lagu daweynayo Bukuunnadaas si ay warbixinno dhammeystiran uga soo helaan Dhaqaatiirta daweyneysa iyo maamullada Isbitaalladaas lagu hayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay xoogga saartay sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahayd sidii daryeel Caafimaad oo dhammeystiran u heli lahaayeen bukaannada jiifa Isbitaallada ku yaalla Caasimadda.

Guddigaan ayaa marka uu diyaariyo dhaawacyada u baahan dibadda in loo qaado waxa uu Warbixin ku celin doonnaa Dowladda dhexe ee Federaalka si loo qorsheeyo Dalalka loo kala dirayo iyo waqtiga laga qaadayo Muqdisho.

Waxaa jira Dad badan oo dhaawacyo halis ah kasoo gaaray Qaraxii iyo Weerarkii isla socday ee Jimcihii ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, qaarkood ayaa ku waayay xubno kamid ah Jirkooda.

Related posts

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Abdiaziz Bnnstaff

“Xildhibaan Barkhad Batuun waxa uu nabar ku kasoo gaadhay saaxiibkii oo Maxamed Abiib…” Gudoomiye Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Biden Ma Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Dab Mase Waxa Uu Qarka u Saaranyahay Kicinta Dagaalka Saddexaad Ee Dunida

Abdiaziz Bnnstaff