Wefti Culus Oo Ka Socda Dalalka Beesha Caalamka Oo Ku Soo Waajahan Hargeysa

Beesha Caalamka ee Taageera Nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland ayaa Wefti u soo diraya Hargeysa.

Warar uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyey in Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Safiirro ay Magaalada Hargeysa u imanayaan bilowga diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee Magaalada Hargeysa, taasi oo la filayo inay bilaabanto badhtamaha Bishan December, 2020.

Weftiga oo la filayo inay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa inay Magaalada kaga dhawaaqaan qaadhaanka doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee la filayo inay sannadkan 2021-ka ka qabsoomaan Somaliland.

Imaanshaha Weftiga ayaa la filayaa inuu tallaabo muhiim u ah noqdo Diyaar-garowga iyo abaabulka doorashooyinka soo foolka leh.

Dalalka Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka taageera Doorashooyinka, waxayna dhiirigeliyaan qabashooda.Wefti Culus Oo Ka Socda Dalalka Beesha Caalamka Oo Ku Soo Waajahan Hargeysa.

Geeska Afrcia

Related posts

Ciidanka Dowlada Somaliya Iyo Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Deegaanka Jasiira Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Ammaanka Nairobi Oo Si Weyn Loo Adkeeyay Cabsi Laga Qabo Weeraro Shabaab Fuliyaan

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Duqaymo Culus Oo Caawa Ka Socda Caasimada Dalka Ukraine Ee Kyiv

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More