Isku Dhac Ciidan Oo Ruushka Iyo Mareykanka Ku Dhex-Maray Syria Iyo Xiisada Oo Ka Sii Dareysa

Taliska militeryga dalka Mareykanka ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah oo xoojin ah u diray dalka Syria, kadib markii uu isku dhac dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Rushka ee Syria jooga.

Ciidamo Mareykan ah oo watay gaadiid dheeraad ah ayaa gudaha u galay dhawr magaalo oo Syria ku yaalla, waxaana ay gudbeen xeryaha Mareykanku ku leeyahay gudaha Syria.

Ciidamadaan badankood waxaa laga qaaday xeryaha militeri ee Mareykanku ku leeyahay dalka Kuwait.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka ayaa is rasaasayey ayagoo ku jira hawlgallo gaar ah, sida ay werisay warbaahinta dalkaas.

Cabsida ayaa sii xoogeysatay, kadib markii meel u dhaw xeryaha ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin Syria ay tageen ciidamo Rushka oo gaadiid dagaal wata.\

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Somaliland Oo Ka Hadashay Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Deegaanada Bariga Sanaag Fariina U Dirtay Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Saldhig Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Ku Baaqay In Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Si Deg Deg Ah Isku Casilo Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More