Maxkamada Puntland Oo la Horgeeyay Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday

Dacwada loo heytso 8 xildhibaan oo dhawaan baarlamaanka Puntland ka qaaday xasaanadda ayaa maanta markii labaad ay dhageysatay Maxkmadda Sare ee Puntland.

Maxamed Yuusuf Maxamuud Qaryqaanka guud ee Puntland ayaa 8 mudane ku eedeyay burburin hanti iyo dastuur jabin, balse qareenada u doodayay xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay eedeynta garyaaqaanka, waxayna sheegeen in kiis ku bilowday faldambiyeed ciqaab ah aan loo rogi karin idaari.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa sheegay in ay horey u codsadeen in kiiskooda uusan gelin guddoomiyaha maxkmadda sare, maadaama ay wadeen qorshe ka dhanka maxkamadda sare iyo in ay qaraabo yihiin guddoomiye xigeen kowaad ee baarlamaanka oo ay is hayeen, sida ay sheegeen.

Maxkamadda waxaa maanta horyimid afar mudane oo kala ah Cabdicasiis Siciid Gacamey, Saleebaan Faarax Ciise, Maxamuud Axmed Caalim iyo Cabdiqani Abshir Jaaamc.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maalmaaha soo socda ku dhawaaqi doonta xukunka kiiska loo haysto 8 mudane ee xasaanadda laga qaaday.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Kulan Ay La Qaateen Musharixiinta Mucaaradka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Geeridii Ku Timid Sheekh Nuur Baaruud Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Muxuu Yahay Dhambaalka Laga Siday Madaxweyne Xasan Sheekh Ee La Gaadhsiiyay Amiirka Qatar?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More