Saacadihii La Soo Dhaafay Ayaa Waxaa Baraha Bulshada Si way u haystay in koomishanka Doorashooyinka Somaliland Ay Deegaanka Ceel La Halay ee Gobolka Awdal Maalinta Bari Ah Ka Bilaabayaan Diiwan Galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Somalinad Oo Maalinta Bari Ah Si Rasmi Ah Ugu Bilaabmaya Gobolka Maroodijeex Balse Deegaanka Ceel La Helay Ka Tirsanayn Gobolka Maroodijeex ee uu Ka Tirsantahay Gobolka Awdal
BoramaNews Oo La Xidhiidhay Gudoomiye Ku Xigeenka Gudiga Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Mustafe Mohamed Daahir Dhawal Waxa Uuna U Xaqiijiyay In Ay Jiraan Labo Goobood Oo Uu Magacoodu Kolmay Kuna Kala Yaala Gobolada Awdal Iyo Maroodijeex
Deegaanka Maalinta Bari Ah Laga Bilaabayo Diiwaan Galinta Ayaa Waxa Uu Tirsanyahay Gobolka Maroodijeex Kaasi Dhanka Bari Ka Xiga Magaalada Hargeysa
Komishaneer Mustafe Ayaa Bulshada Ugu Baaqay In Ay Iska Hubsadaan Wararka Aan La Hubin Ee Lagu Daabacayo Baraha Bulshada
BoramaNews.com