Borama News Network

Itoobiya: ‘Ma jirto cid naga joojin karta inaan dhaqdhaqaaqyo ka sameyno gudaha Soomaaliya’

Bishii June, Xuseen Macallin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada hawlgalka ATMIS ay guud ahaan ciidamada dalka Itoobiya isaga bixi doonaan dhulka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin hawlgalka xiga ATMIS ay Itoobiya qayb ka noqoto.

Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay, in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,’ sidaas waxaa yiri Xuseyn Macallin, Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya.

Balse afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaado waxuu ku qeexay ‘Al-Shaabta aadka u xoogaystay’.

Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan”

Isaga oo hadalka sii watana waxuu sheegay in Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin.

“Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda.

Hadaba Itoobiya iyada oo aan idin ka haysan dawladda Soomaaliya, dhaq dhaqaaqyo ma ka sameyn karaan gudaha xadka Soomaaliya?

Su’aashaan ayaa waxaan Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo sharciyaqaan bartay shuruucda caalamiga ah iyo tan arrimaha badda. Waxuuna sheegay Cabdullaahi haddii ay Soomaaliya kusii adkaysato in Itoobiya ayna kasii mid noqon howlgalka xiga ee ATMIS beddelaya in sii joogista Itoobiya ay noqonayso gudub lid ku ah sharciga caalamiga ah.

“Ma jirto sabab sharciyad siinaysa inay sii joogaan dhulka soomaaliya waxayna xadugub ku noqonaysaa gobannimada iyo madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.” ayuu yidhi Cabdullaahi oo sharaxaya sida tallaabadana sharci ahaan u khaldantahay.

Dhanka kale Axmed Cali Saki oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa uu aainsan yahay in hadalkan uu muujinaayo walaaca ay Itoobiyo ka qabaan ciidamada Masar ee imaanaya Soomaaliya.

“Afhayeenku isaga oo ka daba tagaya saxaafadda [kadib] heshiiskii dhex maray Soomaaliya iyo Masar ayuu waxuu muujinaayay in ay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee imanaya Soomaaliya” ayuu BBC da u sheegay Cali Saki.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dalka Masar wakaaladda wararka ee Anadolu ayaana ku warrantay in Masar ay taageerayso howlgalka cusub ee beddeli doona ATMIS ee ciidamada cusub ee Afrika kasocda ay usii joogi doonaan howlgalka nabad ilaalinta ah.

Sida ku xusan warbixinta ay daabacday Anadolu waxaa sare u kacay waxyaabaha ay Masar Soomaaliya usoo dhoofiso oo keliya 11-kii bilood ee ugu horreeyay sanadkii tagay ee 2023 gaadhay $54 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Soomaaliya ayay ciidamo ka kala socda ururka midowga Africa joogeen tan iyo bishii March ee sanadkii 2007 dii, xilligaas oo uu bilowday Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Filashada la qabay waxay ahayd in Soomaaliya si toos ah ula wareegi doonto amniga guud ee wadankeeda iyada oo aan cidi kaalmaynaynin balse mar saddexaad ayuu howlgalka cusub oo magac kale wata lagu wadaa in uu Soomaaliya ka bilowdo.

Isla bishaan August war kasoo baxay Golaha Amaanka Iyo Nabadda Afrika ayaa lagusoo dhaweeyay dalabyada Jabuuti iyo Masar ay ciidamo ugu deeqi doonaan Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxuu sheegay in wadamada howlgalka cusub ee AUSSOM ciidamada ugu deeqaya ay noqon karaaan kuwa abuura xasarad ka dhalata gobolka geeska Afrika.

“Itoobiya waxay aaminsantahay wadamada ciidamada ugu deeqi doona howgalka in si dhibaato-ka-carar leh loo xusho. Doorka ciidamo ku deeqayaashana ayna noqon xudun dhibaato oo u dhexeysa wadamada geeska. Aad banaa u aaminsanahay in doorkaasi uusan noqon meel kale oo dhibaato kale gobolka ka abuurta,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya.

Xasaradda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya oo la kowsatay dhalashada sanadkaan 2024 ayaa maraysa bishii sideedaad iyada oo wada hadalo iyo xalal diblumaasiyadeed oo labada wadan lagu dhexdhexaadinaayo ayna kasoo bixin wax midho ah wali.

Wadahalkii ka dhacay Ankara ayaa ahaa kii ugu danbeeyay labad dhinac ay wada galeen, balse qudhiisa wax xal lama gaarin, waxaase la isku ballansaday wareeg sadexaad.

Related posts

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Sheegay In Ay Somaliya Ka Baxday Heshiiskii Ka Soo Dhacay Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff

Culimada Somaliyeed Oo Kulan Ka Yeeshay Xiisada Badda Lughaya Iyo Damaca Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxdhaqmeedka Beesha Habarjeclo Oo Baaq U Dirtay Beelaha Dhulbahante Warna Ka Soo Saaray Dilal Ka Dhacay Gobolka Sanaag