Borama News Network

Ingiriiska oo war kasoo saaray tahriibayaasha doomaha yaryar ku gala dalkaas

Raysal wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, ayaa sheegay in uu qorsheynayo tillaabooyin adag oo wax looga qabanayo dadka wax tahriibiya iyo sidii lagu dhimi lahaa tirada dadka ka gudbaya kanaalka.

Qorshe ay xukuumaddii hore ee Conservative-ka ku doonaysay in dadka muhaajiriinta ah loogu masaafuriyo Rwanda, ayay meesha ka saareen xisbiga hadda talada haya ee Labour-ka.

Immisa qof ayaa ka gudba kanaalka iyagoo raacaya doomo yaryar?

Laga bilaabo 19-kii bishaan Agoosto ee sii dhamaaneysa 2024, waxaa kanaalka ka gudbay 19,294 qof. Taas oo ah tiro ka badan sanadkii ka horeeyay bishaan oo kale, inkasta oo guud ahaan sanadkii 2023 ay Ingiriiska galeen dad gaaraya 29,437 qof kuwaas oo isticmaalayay doomo yar yar, balse waxaa ka sii badnaa sanadkii 2022 oo ay dad aad u badan ka gudbeen kanaalka.

Xiligaas waxaa gudbay dad tiradooda lagu sheegay 45,755 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dalkaas gasha tan iyo 2018, xilligaas oo la sameeyay tirakoobka muhaajiriinta.

Guud ahaan tirada muhaajiriinta ah ee Ingiriiska gashay tan iyo xiligaas waxa ay ahaayeen in ka badan 130,000, kuwaas oo dalal kala duwan ka yimid.

Related posts

RaysaL Wasaare Xamsa Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Ku Wajahan Gobolka Jubada Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Taliyihii Markabka Ay Afduubteen Ka Qaatay Lacag Dhan 5 Milyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

In ka badan 50 qof ayaa kuleyl ugu dhintay Hindiya saddex maalmood gudahood

Abdiaziz Bnnstaff