Borama News Network

Dallaaliinta hubka ee Yemen oo qoryaha ku iibinaya barta X

Dallaaliinta hubka ee Yemen ayaa si aan gabbasho lahayn u adeegsanaya barta baraha bulshada ee X, ee loo aqoon jiray Twitter, iyagoo iibinaya qoryaha nooca Kalashnikovs, bistoolado, iyo bambooyin.

Ganacsatada ayaa ka howlgala caasimadda Sanca iyo meelo kale oo ay heystaan Xuutiyiinta, oo ah koox ay taageerto Iiraan isla markaana ay dowladaha Mareykanka iyo Australia u yaqaannaan argagixiso.

“Laguma fekeri karo in iyaga [dallaaliinta hubka] inaysan wakiil ka ahayn Xuutiyiinta,” ayuu yiri safiirkii hore ee Britain u fadhiyay Yemen, Edmund Fitton-Brown, oo haatan ka shaqeeya Mashruuca Kahortagga Xagjirnimada.

“Dallaaliinta madaxa bannaan ee isku dayay inay ka faa’iidaan ka ganacsiga hubka, [tusaale ahaan] dowladda Yemen, degdeg bey u xiri lahayd.”
Baaritaan uu sameeyay wargeyska The Times ayaa lagu ogaaday in dhowr akoon oo Yemen laga leeyahay ay heystaan astaanta buluugga ah ee xaqiijinta.

The Times iyo BBC ayaa labadaba la xiriiray X si ay uga jawaabaan arrintan, balse ilaa iyo haatan ma helin wax jawaab ah.

Inta badan shuruucda waxyaabaha lasoo dhigo bartan ayaa la hakiyay kadib markii milkiilaha cusub Elon Musk uu iibsaday shirkadda sanadkii 2022.

Xayeysiimaha ayaa intooda badan lagu soo bandhigaa luqadda Carabiga waxaana marka hore loogu talogalay macaamiisha Yemen ee dalkaasi halkaasoo tirada hubka la sheegay inuu ka tiro badan yahay bulshada.

BBC ayaa dhowr akoon oo hubka lagu iibiyo ku aragtay baraha internet-ka, iyagoo qiimaha hubka kusoo bandhigaya lacagta Yemen iyo riyaalka Sacuudiga.

Erayada lagu dul qoro hubka ayaa loogu talogalay in lagu soo jiito dadka wax iibsada.

“Farshaxan sarreeya iyo waaran sare,” ayay leedahay mid ka mid ah xayeysiimaha. “Qoriga AK ee Yemen lagu farsameeyay waa dookhaaga ugu sarreeya.”

Muuqaal tijaabo ah, oo la duubay habeenkii, ayaa muujinaya qofka iibinaya oo ilaa 30 wareeg oo rasaas ah ridaya.

Mid kale ayaa bistooladaha nooca Glock ee Pakistan lagu sameeyo ku iibinayay $900.

Xayeysiinadaan laguma qariyo meelaha hubka iyo waxyaabaha sharci-darrada ah lagu soo bandhigo, waxay yaallaan meel la arki karo oo barta X, waxaana arki kara malaayiin qof.

Mar ay arrintan ka hadleysay, ururka aan dowliga ahayn ee fadhigiisu yahay UK ee Tech Against Terrorism ayaa soo saartay waxa ya ugu yeertay codsi degdeg ah oo ay ujeedisay shirkadaha teknolojiyadda inay ka saaraan waxyaabaha lagu taageerayo Xuutiyiinta ee lagu soo bandhigo internet-ka iyo baraha bulshada.

Related posts

“Xisbiga Waddani Siyaasadiisa Waxa Ka Mid Ah In Dib Loo Furo Wada Hadalada…” Xildhibaan Timo Jilic .

Abdiaziz Bnnstaff

Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Khaliif Oo Fagaare Ku Waydiiyay Wasiir Maxamed Kaahin Waxa Hor Taagan Gobolnimada Caynabo

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff