Borama News Network

Shirkadaha diyaaraddaha caalamiga ah oo joojiyay duulimaadyadii tagi lahaa ama ka bixi lahaa garoomada Israa’iil iyo Lubnaan

Shirkaddaha diyaaraddaha ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed ayaa joojiyay duulimaad yadii ay ku tagi lahaayeen ama uga bixi lahaayeen garoomada ku yaala Israa’iil maanta oo Axada, kaddib markii uu ka sii daray khilaafka u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil.Sidoo kale waxa la joojiyay dhammaan duulimaadyada garoonka magaalada Bayruut maanta oo Axada, waxana inta badan istaagay diyaaraddihii mari jiray hawada Bayruut, sababbo la xiriirra weerarka xagga cirka ah ee Israa’iil ku hayso fariisimaha Xisbullah.Shirkaddaha diyaaraddaha Faransiiska, Giriigga, iyo Imaaraadka ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama uga bixi jireen magaalada Talaabiib xili ay ka sii dartay xaaladda waqooyiga Israa’iil.Shirkaddahan ayaa waxa raacaya illaa 16 shirkaddood oo kale oo iyana joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen ama uga bixi jireen illaa war dambe.

Related posts

Suuqyada Aasiya oo ka gilgishay saameynta canshuuraha Trump

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Turkiga Iyo Itoobiya Oo Heshiis Cusub Wada Galay Iyo Waxa Uu Ku Saabsanyahay Heshiiskaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Saleeban Cali Koore” Somaliland Waxay Ku Jirtaa Xaalad Kala Guur Ah”

Abdiaziz Bnnstaff