Borama News Network

Xasan Sheekh:“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii Sabtida meel fagaare ah ka sheegay in labada sano ee soo soctaa ay ka wanaagsanaan doonaan, labadii sano ee u dhammaatay dawladdiisa.

“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa, waana balan qaadeynaa taas” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la in kiri karin waxqabadka uu sheegay in dawladdiisu la timid labadii sano ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay in taasi ku timid midnimada iyo wadashaqeynta dawladda dhexdeeda.

“Orodkii iyo xawaarihii aan labo sano ku soo gaarnay, labada sano ee dhiman waa in aan ka sii dheeraynaa, kana duwanaadaan kuwii hore, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana balan qaadaynaa taas” ayuu intaa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xalay waxa Muqdisho lagu qabtay barnaamij la sheegay in lagu soo bandhigay wax qabadka xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo labo sano jir satay, balse intii munaasabaddaasi socotay marnaba laguma soo bandhigiin waxyabaha ay ka gaabisay muddadii ay jirtay ee ay ahayd in ay wax ka qabato.

Related posts

Cudur La Mid Ah Ebola Oo Ka Dilaacay Dalka Tanzaniya Iyo Madaxwaynaha Dalkaasi Oo Ka Hadashay

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Reer Suuriya Oo Maanta Jimcihii Ugu Horeeyay Si Nabad Ah Ugu Tukaday Dalkooda Oo Nabad Ah

Abdiaziz Bnnstaff

“ Waxa ay kala garan waayeen Kulmiye xafiiskoodan abaaday iyo garoonka diyaaradaha” Masuuliiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff