Borama News Network

Maxay dowladda Soomaaliya ‘magdhow’ u siisay qaar ka mida ehelada dadkii ku dhintay weerarkii Liido?

Haya’adda Maaraynta masiibooyina ee Soomaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo SODMA, ayaa sheegtay in lacago lagu caawiyey qaar ka mida ehellada dadku kaga dhinteen weerarkii ka dhacay xeebta Liido Dhammaadka bishii tagtay ee sanadkan.

Ilaa sodon qof oo ka mid ahaa dadkii ku dhintey weerarkaasi ayaa hay’addu guddoonsiiye lacagta sida uu BBC-da u sheegay Cabdilaahi Muuse Axmed oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka iyo wacyi gelinta bulshada ee SODMA.

Cabdullaahi wuxuu sheegay in habeeenkii qaraxa ka dib hay’addu ay samaysay xog aruurin ku saabsan dadka waxyeellada ka soo gaartay iyagoo la falgalayey guddi heer xukuumadeed ah oo uu dhacdaaasi u saaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Qaraxaas ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku dhinteen ilaa 37 qof halka 247 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen. Weerarka ayaa ahaa mid qaraxyo iyo rasaasi xigeen kaas oo ka dhacay xilli dad fara badan ku cawaynayeen xeebta Liido.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mar dambe sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Xukuumada ayaa sidoo kale shaqooyin ku abaalmarisay dhalinyaro loo aqoonsaday inay kaalin weyn ka galeen u gurmadka dadkii dhaawaca ahaa ee habeenkaas ku waxyeelloobay qarax.
Sida uu BBC-da u sheegay Cabdilaahi Muuse oo ka tirsan SODMA, ilaa soddon iyo lix qof oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaas ayaa ehelladooda la guddoonsiiyey min labo kun oo dollar basle wuxuu xusay inay jiraan kuwo kale oo aan wali lacagta la gaarsiin hubinta xogtooda owgeed.

Lacagta ay qaybiyeen hay’addu ayuu sheegay inay ka timi xukuumada, ganacsato iyo dad gacan ka gaystay caawinta dhibanayaashii weerarkaas.

“Wax deeq shisheeya ah kuma jiran lacagtan la bixiyey” sida uu BBC-da u sheegay agaasime Cabdullaahi.

“Runtii waxaaa farxad ah in waxaas oo deeqa aan bixinaysay ay yihiin wax ka yimi dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdullaahi.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in dadkii dhaawac ahaa ee ku jiray Isbitaallada Muqdisho ay gaarsiiyeen lacag dhan kun dollar.
BBC-da oo waydiisay SODMA, waxaa dadkani kaga duwan yihiin dadkii horrey ugu dhiman jirtay weerrarada caynkaas oo kale ah oo ka dhici jiray Muqdisho ayuu Cabdullaahi sheegay inaysan tani ahayn markii kowaad ee ay dhibayaasha dadku kaga baxeen qaraxyada ay magdhow siiyaan in kasta oo aysan xogtaasi ahayn mid warbaahintu horay u baahisay.

“Sidii i haya’ddan loo asaasay waxa jiray isku dayo badan oo hay’addu in dadka waxyeelladu ka soo gaarto masiibooyinkan aan dabiici ahayn ama argagixisa , ama colaaddaha ka dhasha ay sababaeen markasta isku dayo waa jireen tabartu ha kala duwaanadeen laakiin waa kala cuslaayeen” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan SODMA.

Wuxuu tilmaamay in sanadkii 2022-dii qarax ka dhacay wada Soobe ee Muqdisho sidaas oo kale ay caawiyen qoysaskii dadkoodu ka dhintay iyo dadkii ganacsiyadu kaga burbureen.

Sababta qoysaskan sida gaaarka mudnaanta loo siiyey ayaa isaga oo sharraxaya waxa uu yiri, “Qaraxan Liido wuxuu ugu duwanaa dadka la beegsaday waxay ahaayeen dad dhalinyaro u badan oo ku jira xilliga bilowga nolosheeda, runtii dadkaasi waxay mudnaayeen in boosaska ehelladoodu uga jireen in la buuxiyo”.

Wuxuu intaa raaciyey in Sidoo kale in ay wadaan qorshayaal lagu caawinayo dadkii goobta qaraxu ka dhacay ee Liido ku lahaa ganacsiyo yar yar oo masiibadaasi ka baabi’isay wixii noloshoodu ku tiirsanayd.

Qaraxii Liido ayaa ahaa mid ka mida kuwii ugu khasaaraha dhimasho badnaa kuwii muddooyinkii danbe ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa labo sano ka hor guluf dagaal ku qaaday deegaano iyo degmooyin ay muddo dheer maamulayeen ururka Al-shabaab oo ay ka qabsatay basle mar danbe ayaa howlgaladu noqdeen kuwa sidii hore gaabis ugu noqday sida ay taxliiliyaasha ammaanku sheegeen

Related posts

Meydadka Haweeneey iyo Nin ay horay u kala tageen oo laga dhax helay Gaari nooca aan Xabaddu karin.

Abdiaziz Bnnstaff

Maayirkii Hore Ee Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff

Murashax Cabdiraxmqn Ciro Oo Balanqaad Wayn U Sameeyay Ciidanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff