Borama News Network

Xaalada Magaalada Ceerigaabo Oo Maanta Kacsan Iyo Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Dhintay Rasaas Ay Boolisku Rideen

CEERIGAABO: Xaaladda magaalada ayaa kacsan, iyada oo mararka qaar laga maqlayo rasaas Suuqa-hoose, halkaasi oo ciidamada Somaliland ay saaka ka dhoobeen gaadiid dagaal.
Xiisaddan ayaa timi ka dib markii xalay xilli danbe ciidanka Booliiska Somaliland ay weerar ku dileen mid ka mid ah dhallinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, iyada oo kolkaas laba askari laga dhaawacay Booliiska SL.
Wiilka la diley oo lagu magacaabo Salmaan Aadan Cabdi ayaa la sheegey in isaga oo dhaawac ah la geeyey Cisbitaalka Guud ee degmada, balse Somaliland waxa ay xidhay ninkii baabuurka ku waday, iyada oo Salmaanna uu hal kaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay inoo sheegeen ilo-lagu-kalsoonaan-karo.
Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn tan iyo wixii ka danbeeyey dagaalkii Laascaanood.

Related posts

Antony Blinken oo ku baaqay xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Gaza.

Abdiaziz Bnnstaff

Daawooyin Si Khaldan Loo Isticmaalo Oo Halis Galin Kara Qofka Ay Xumada Ku Dhacdo

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Duqaymaha Cirka Ee Lagu Qaaday Daacish

Abdiaziz Bnnstaff