Borama News Network

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay, qaar badana waa la la’yahay ka dib markii uu biyo-xidheen ku fatahay bariga Suudaan

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters biyo si sare ku socda ayaa burburiyay biyoxidheen ku yaala bariga dalka Suudaan taas oo sababtay in awoodii biyahii socday iyo kuwii biyo-xidheenkuba ay baabi’iyeen ugu yaraan 20 tuulo, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 qof, balse waxaa laga yaabaa in tiro intaas ka badan ay ku dhinteen, sida ay Qarammada Midoobay sheegtay Isniintii, tanina waxay noqonaysaa musiibo kale oo gobolka wajahayo oo markii horeba la daaladhacaayay dagaal sokeeye.

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay daadad ku soo rogmaday biyo-xidheenka Arbaat maalintii Axadda oo kaliya 40 km (25 mayl) waqooyi ka xiga Port Sudan, oo ah caasimadda hadda ee qaranka iyo saldhigga dawladda, diblomaasiyiinta, hay’adaha gargaarka iyo boqolaal kun oo barakacayaal ah.
Meesha lama aqoonsan karo, waxaa burburay korontadii iyo tubooyinka biyaha,” Cumar Ciise Haaruun, oo ah madaxa maamulka biyaha ee gobolka Badda Cas, ayaa farriin WhatsApp ah u diray shaqaalaha.

Mid ka mid ah dadkii ugu horreyay ee soo jawaabay ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo qof la la’yahay.

Waxa uu sheegay in uu arkay maydadka dadka dahabka qoda iyo qaybo ka mid ah qalabkoodii oo daadku ku burburay, waxana uu masiibadaasi barbar dhigay burburkii ka dhacay magaalada Derna ee bariga Liibiya bishii September ee sanadkii hore markii ay dabaylaha wateen ay jabsadeen biyo xidheeno, kaas oo ay qaadeen dhismayaal ay ku dileen kumanaan qof.

Related posts

Gantaalada Xisbullah ayaa sababay dabka keymaha Israel

Abdiaziz Bnnstaff

“Walaalkaygii Aan sharfay Een Waxwalba u Geeyey Ayaa Maanta Leh Somaliland…” Madaxweyne Biixi Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Somaliland Iyo Dowlada Itoobiya Iyo Xeerka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff