Xiisad Dagaal Oo Tagaan Xadka Dalalka Somaliya Iyo Kenya Iyo Mandheera Iyo Ciidamo Badan Oo La Geeyay

Xiisad ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee u dhow Magaalada Mandheera ee Gobolk Waqiooyi barre ee Kenya, kaddib markii halkaas la geeyay Ciidanka dowladda Somalia, sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee Nairobi.

Warkan ayaa soo baxay saacado kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya, ayna ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta reer Kenya in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 7 maalmood ah gudahood
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo uu soo xigtay Wargeyska Daily Nation oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya ayaa sheegay inay arkeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo isku diyaarinaya goobo muhiim ah oo ku yaalla xadka u dhaxeeya labada waddan.

“Waxaan ku waabariisannay ciidamo milatari ah oo xadka jooga. Arrintan aad bay noo walwal galisay,” ayuu yiri Mid ka mid ah dadka deegaanka oo uu wargeyska Daily Nation soo xigtay. Dadka aaggaas ku dhaqan qaarkood ayaa lagu soo warramay inay ka tageen halkaas iyagoo ka cabsi qaba inay khatar ku timaado.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan in Ciidamo lagu daad-gureeyay xuduudka Kenya, xili dowladda ay xiriirkii u jartay dowladda Kenya, kadib markii lagu eedeeyay fara-gelin siyaasadeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Oo Baahisay Xog Sir U Ahayd Jabhada TPLF Oo Saamayn Ku Leh Somaliya Iyo Nuuca Xogtaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Ka Dhex-Jira Dalalka Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Keenay In Dowladda Bangladesh Lagu Tilmaamo Mid Kaalmeynayso Islaamiyiinta Xag-Jirka Ah”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More