Maraykanka Oo Si Adag U Cambaareeyay Afduub Loo Gaystay Boqolaal Arday Ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay afduubka in ka badan 300 (Saddex boqol) oo arday oo laga afduubtay iskuul ku yaalla waqooyi Galbeed ee dalka Nigeria.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa afduubkii loo geystay arday joogtay iskuul ay wax ku baranayeen.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dowladda Maraykanku baaritaan ku samayn doonto sheegashada Boko Xaaraam.

Hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee Boko Xaaraam Abubakar Al-Shikwi ayaa ku sheegay muuqaal uu soo duubay talaadadii inay afduubteen boqolaal arday ah.

Kooxda Boko Xaaraam ayaa 2014-kii afduubatay 276 gabdhood oo ku sugnaa iskuul-ki ay wax ka baranaayeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Go’aankii Ay Somaliya Ku Soo Caydhisay Safiirkeeda

Bnnstaff Bnnstaff

” Waa In Xukuumadu Marka Hore Ka Fiirsataa Heshiisyada Ay Shirkadaha La Galayso” Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Geedi Faarax Ee Reer Nuur Oo Soo Bandhigay Murashaxiinta Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More